Guddoomiyihii Gobolka Sool Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Laascaanood.

0
636

Qaraxa oo dhacay maanta gelinkii dambe waxaa ku dhintay mas’uul sare oo katirsanaa maamulka Lamagacbaxay ‘Somaliland’.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhax dhacay gaari uu watay guddoomiyaha xilli uu ku socdaalayay agagaarka Hoteelka Xamdi sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Xasan Maxamuud Warsame oo ah guddoomiyaha maxkamadda degmada Laascaanood ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool.

Sawirro lagasoo qaado goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray gaari nuuciisu yahay NOHA oo uu la socday guddoomiyaha dhintay, illaa iyo hadda lama oga cidda mas’uulka ka ah weerarkan.

Dagaallo udhaxeeyay maamullada ‘Puntland’ iyo ‘Somaliland’ ayaa bilihii lasoo dhaafayay ka dhacayay deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag lamana oga in maamulka Garowe uu ku lug leeyahay dilka guddoomiyihii Maxkamadda Laascaanood iyo inkale.