Hoggaamiyayaashii Kooxaha Suufida Galguduud Oo Isku Dhiibay Dowladda Federaalka.

0
490

Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo shalay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in laga adkaaday maleeshiyaadkii Suufida ee dagaalka la galay ciidamada dowladda Farmaajo.

Wariyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegay in ay isdhiibeen dhammaan mas’uuliyiintii Suufida ee sheeganayay maamulka Galmudug, saaka aroortii ayaa xarunta Inji lagasoo saaray Macalin Maxamuud iyo xubno kale.

Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid aya gaaf wareegaya magaalada Dhuusamareeb, mustaqbalka siyaasadeed ee kooxaha Suufida mugdi badan ayaa kujira waxaana muuqata in loo itaal sheegtay.

Dagaallo culus oo labada dhinac shalay ku dhaxmaray Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo ubadan dhinacyadii dagaallamayay.