Is Fahamwaagii U Dhaxeeyey Dawladda iyo Mucaaradka Somaliland oo La Xaliyey.

0
687

Madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo gudoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad WADANI iyo UCID ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Shir saaka ka dhacay xarunta madaxtooyada, waxa ku kulmay madaxweyne Biixi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno ka socday beesha caalamka.

Madaxweynaha iyo labada xisbi mucaarad ayaa ku heshiiyey in guddidii hore ee doorashooyinka iyo guddidan cusub ee doorashooyinku isla shaqeeyaan oo guddidii hore noqoto gudida farsamada ee doorashada qabanaysa, waxaana loo kala sameeyey xeerarkii ay ku kala shaqayn lahaayeen iyo mid walba waxay qaban doonto.

Heshiiska ay madaxweyne Biixi iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u qornaa sidan:

Qodobka 1aad:

Ujeedada heshiishka waa in la dajiyo hanaan wada shaqayneed oo ay yeeshaan dhamaan dhinacyada oo ay ka mid tahay nidaamka xalinta khilfaafka si loo qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada sanadka 2020Qodobka 2aad: waajibaadka iyo masuuliyada qabasahda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada.1.       guddida doorashooyinka qaranku waxay leeyihiin awood sharci ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, waxaanay u igmanayaan guddida farsamada maamulka doorashooyinka dhamaan qabasahda hawlaha farsamo ee doorashooyinka si waafaqsan xeerarka iyo qawaaniinta doorashooyinka dalka sida:
2.       Xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu, xeer lr 20/2001 oo uu wehelinayo kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyo xeerka 2011.
3.       Xeerka doorashada golaha wakiilada xeer lr 20-2/2005
4.       Xeerka diirwaangalinta codbixiyeyaasha, xeer lr 37/2007 oo uu wehelinayo kaabistii iyo wax ka bedelkii lagu sameeyey 2014 iyo 2016
5.       Xeerka anshaxa asxaabta qaranka 2017
6.       Xeerka anshaxa saxaafadda 2017
7.       Xeerka anshaxa xisbiyada siyaasada ee hannaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha 2009.

Qodobka 3aad:Waajibaadka iyo masuuliyada xubnaha gudida doorashooyinka qaranka

Si guddida farsamada maamulka doorashadu ugu diyaar garoobaan shaqadooda, guddida doorashooyinka qaranku waxay ka masuul yihiin u gudbinta xukuumada ee miisaaniyada doorashooyinka, magacaabista, caydhinta, xulashada iyo anshaxmarinta shaqaalaha iyo ku dhawaaqida taariikhda doorashada iyo natiijooyinka doorashooyinka.

Qodobka 4aad:Xubnaha gudida farsamada maamulka doorashada

Xubnaha guddida farsamada maamulka doorashadu waxa ay ka koobnaan doonaan.

1.       Xubnihii hore ee gudid doorashooyinka qaranka (7xubnood) oo ah xubno cod leh.

2.       Saddex xubnood oo ka socda bulshadda caalamka (sadex xubnood) oo xubno aan cod lahayn.

Sarkaalka u sareeay iyo ku xigeenka guddida farsamada maamulka doorashada waxa laga dhex dooran doona xubnaha codka leh ee guddida farsamda.

Qodobka 5aad:Waajibaadka iyo masuuliyada gaarka ah ee guddida farsadama maamulka doorashada

Waajibaadka iyo masuuliyada gaarka ah ee guddida farsamda maamulka doorashada ee ay qayb ka mid ah waajibaadkooda iyo masuuliyadooda ku xusan qodobada 14-15 ee xeerarka doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyada ee xeer lr.20/2001 o ay wakiisheen guddida doorashooyinka qaranku waa sidan soo socoto:

1.       Socod siinta hawl maalmeedka qabashada doorashooyinka goleyaasha deeganka iyo golaha wakiilada.
2.       Diyaarinta miisaaniyada lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka iyo u gudbinta guddida doorashooyinka qaranka iyo usoo diyaarinta qabyo qoraalka xisaabaha sadexda bilood ah guddida doorashooyinka qaranka si ay ugu gudbiyaan xisaabiyaha guud ee qaranka.
3.       Soo diyaarinta taariikhda la qaban karo doorashooyinka iyo u gudbinta gudida doorashooyina qaranka si ay guddida doorashooyinka qaranka soo jeedinta maalinta doorashad ugu gudbiyaan madaxweynaha, si uu ugu soo saaro wareegto madaxweyne.
4.       Diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka hor taariikhda doorasdhada.
5.       Samaynta daraasado la xidhiidha goobaha codbixinta, qoon deynta tiradaiyo goobaha codbxiinta degmooyinka iyo gobolada.
6.       Diyaarinta magacaabista, caydhinta ama anshixinta shaqaalaha ee xarunta dhexe iyo xafiisyada doorashooynka ee degmooyinka iyo gobolada.
7.       Hubinta goobaha codbxinta iyo goobaha kale ee la xidhiidha masuuliyadaooda ee laga xusho hab bakhtiyaa nasiib ah iyo hab qorsheyn intaba.
8.       Ka garnaqista iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka la xidhiidha doorahsooyinka, kuwaas oo saraakiisha doorashooyinka ee kala duwan usoo gudbiyaan.
9.       Curinta shuruucda, siyaasadaha iyo xeerarka anshaxmarinta doorashooyinka ee xisbiyada siyaasadu iyo saxaafadda.
10.   In ay ahaadaan masuuliyiinta ay la xidhiidayaan dhamaan daneeyeyaasha doorashoooyinka oo ay ka mid yihiin bulshada caalamka, hay’adaha fulinta, bulshada rayidka ah iyo in ay taageeraan ciidanka amaanka.
11.   Isku gaynta natiijooyinka doorashooyinka ee degmooyinka iyo goblada iyo u dubinta guddida doorashooyinka si ay ugu dhawaaqaan natiijadaas ka hor inta aanay maxkamadu sare ansixin.
12.   Mudada xilka guddida farsamada maamulka doorashooinku waxay ku eeg tahay maalinta ay maxkamadda sare ku dhowaaqdo natiijada doorashooyinka.

Qodobka 6aad:Xallinta khilaafaadka

Khilaaf kasta oo ka yimaada ama la xidhiidha heshiish ama wax ka bedelkiisa ama fasiraadiisa waxa ka garnaqaya, xalna ka gaadhaysa maxkamada sare, muddo 14 cisho gudahood, go’aanka ay gaadho maxkamada sare waa go’aan kama dambays ah, waxaanu waajib ku yahay fulintiisa dhamaan dhinacyada , iyaga oo aan lahayn wax xaquuq racfaan ah.

Qodobka 7aad: Sharciga lagu dhaqayo iyo luuqada rasmiga ah ee heshiishka

Sharcigan waxa loo fasirayaa loona fulinaya si waafaqsan xeerarka Somaliland.