Qaar Kamid ah Kaamerooyinka Qarsoon ee Muqdisho oo Lagu Burburiyey Qaraxyo.

0
841

Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay jugta ilaa Shan Qarax oo lagu weeraray qaar ka mida ah Kaamirooyinka Dowladdu ugu talagashay in lagu sugo Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku xirtay Kaamirooyinka qarsoon qeybo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho kuwaa loogu talagalay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada nabad-galyada ka dhanka ah.

Kaamirooyinka la bartilmaameedsaday ayaa gaar ahaan goobaha lagu xiray waxaa Baraha-Koontaroolada lagu baaro gaadiidka lamana oga khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxyada.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay  Laamaha Nabad-galayda Dowladda Soomaaliya oo la xiriira Qaraxyadan lagu bartilmaameesaday Kaamirooyinka qarsoon.

.