Khilaafka Siyaasadeed ee Galmudug oo Daneeyeyaasha Soomaaliya Walaac Ka Muujiyeen.

0
723

Dawladaha Daneeya Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed eka taagan dhismaha Galmudug ee soo ifbaxay markii lasoo gaaray marxaladdii gabagabada ee dadaalkii  bilaha soo socday ee lagu dhisayay Dowlad Goboleed Galmudug oo mideysan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Daneeyeyaasha Soomaaliya ayaa loogu baaqay go’aan-Garayaasha in ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal iyo in ay raacaan hadafka ah in la helo dowlad goboleed Galmudug midaysan oo xasilloon iyo inay ka fogaadaan billaabidda geedi-socodyo kale.

“Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka golaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku kulansan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka ah ee goob-joogayaasha ka ah geedi-socodka inay isla qaataan hanaan loo wada dhanyahay oo daah-furan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.