Saldhigga Ciidamada Cabdalle Biroole ee Jubaland oo uu Booqday M/weyne Axmed Madoobe.

0
648

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiro-galiyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo lagu naafeeyay Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in howlgaladii u danbeeyay ee ay fuliyeen Ciidamada lagu dilay tobaneeyo katirsan Kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in qaar nool gacanta lagu hayo iyaga iyo hubkoodii.

Waxaa uu xusay Madaxweynahu in Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay yihiin kuwo naftooda u huraya sidii nabadgalyada iyo daganaanshaha gacan adag loogu qaban lahaa.