Laftagareen Oo Baaq Deg Dega Ah U Diray Bulshada Soomaaliyeed.

0
745

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay shacabka beegsanayaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.