Hay’adda Bisha Cas ee ICRC oo Dawadda FS Wax Laga Xumaado Ku Tilmaantey Hadal ay Soo Saartey

0
759

Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay war ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, taasoo weerarkii ex-kantarool afgooye ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay hadalkaas in uu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay dowladda Soomaaliyeed iyo dadkii ku Waxyeeloobay weerarkaas oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan .

Dowladdu waxay Hay’adaha ICRC iyo SRCS usoo jeedisay inay kala saaraan ereyada dhiirrigelinta u ah kooxaha kasoo horjeeda iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka.