Maamulka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa qoraal ka soo baxay ku gacan seyray sharuud Guddiga Farsamada dhismaha maamulka Galmudug ay ku xireen xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddiga farsamada wax shaqo ah ku laheyn 20ka xildhibaan oo ay soo xusheen Ahlu Sunna oo ah kuwa ku matalaya Baarlamaanka cusub.
Dowladda Soomaaliya oo markii horeba soo xushay guddigan farsamada dhismaha maamulka Galmudug wali kama aysan hadal go’aankan danbe oo ay qaateen Ahlu Sunna oo ay ku diidan yihiin xildhibaannada ay soo xusheen in la waafajiyo sharuudaha ku xiran xildhibaanka ka mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug.






