Mideynta Maaliyadda Soomaaliya Shir Looga Hadlayey oo Kismaayo Lagu Soo Gunaanadey.

0
684

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa soo gabagabeeyay shir ku saabsan mideynta maaliyadda dalka oo ka dhacay Kismaayo, kaasoo ay lahaayeen wasiiradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Wassirrada ayaa ku heshiiyyeen in ay sii wadidoonaan hawl-wadareedka nuxur kiisu yahay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, kaasoo dhabbada u xaaraya in Soomaaliya ay ku guulaysato qorshaha dayn cafinta.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle, ayaa si wadajir ah shirkaan usoo xiray, iyagoo hoosta ka xariiqay inay dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah u midaysan yihiin dadaal kasta oo Soomaaliya looga cafinayo deymaha lagu leeyahay.

Halkaan hoose ka aqriso nuxurka war murtiyeedka.