Gudiga Taakuleynta Fatahaada B/weyne ee Somaliland oo Muqdisho Soo Gaarey.

0
677

Wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa maanta lacag qaadhaan ah oo loogu deeqay dadkii daadadku ku soo rogmadeen magaalada Baladweyne u qaaday magaalada  Muqdisho.

Weftigan ayaa sida lacag dhan lix boqol oo kun oo dollar, kuwaasi oo ku wareejin doonna guddida taakulaynta dadka daadadku ku soo rogmadeen ee magaaladda Baladweyne.

“Muddo bil iyo badh ayaanu wadnay ururinta lacagtan, waxaana hawshaasi gacan naga siiyey madaxweynaha Somaliland iyo ganacsatada Somaliland iyo intii masaajidadka ka soo ururisay”ayuu yiri gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid.

Jamaal Caydiid ayaa sheegay inay tahay markii labaad ee baladweyne u gurmadeen, waxaanu xusay in kolba cidii dhibaato ku timaado loo gurmado oo iyaguna hore inoogu soo gurmadeen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in lacag hore oo degdeg ahayd markii masiibadu dhacday ka horeysay.