Dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta xusaya sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay ciiddanka booliiska Soomaaliyeed oo ku beegan shalay oo kale sanadkii 1943-kii.
Xuska oo ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa, waxaa ka qeyb qaadanaya laamaha kala duwan ee ciiddamada booliiska iyo hoggaanadooda.
Goobta ay xafladu ka socoto ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada laamiga ah ee bartamaha Garowe, waxaana xaflada ku sugan madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiirro iyo saraakiil kale oo ajaanib ah oo tababarta ciiddamada Puntland.
Ciiddamada ayaa socod ku maraya wadada dheer ee laamiga ah, iyagoo safsaf usocda islamarkaana sameynaya dhoolotus.
Xuska aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliya, waa taariikh sannadka kasta laga xuso Soomaaliya, hase yeeshee daruufaha ciiddamada bilayska ayaa ah kuwa taagan mar waliba.
Dowlad goboleedka Puntland, inkastoo ay tahay maamulkii ugu horeeyay ee la aas aasay, marka laga reebo Somaliland, weli ciidamadeedu kama bixin daruufaha mushaar la’aantu ugu horeyso.
Madaxweyne Deni oo muddo sanad ku dhow haya talada Puntland, waxaa uu balanqaaday inuu ciiddamada bilayska gaarsiindoono meeqaamka ay leeyihiin, balse weli fari kama qodna.










