Puntland oo Marti Gelineysa Wufuud Ka Socota Q/M Iyo Daneeyeyaasha Soomaaliya.

0
912

Wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaaliya ambassador Jamed Swan, oo Garowe soo gaaray ayaa kulan albaabadu u xiran laleh madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiiradda.

Sida Warbaahinta Warsom xogta ku helayso, wafdigaan ayaa u yimid sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, si aan dib u dhac ugu imaan doorashada 2021 iyo qorshaha daynta cafinta Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa shalay tagay Jubbaland waxayna kala hadleen arrimo lamid ah kuwa maanta ay joogaan Puntland, maadaama Puntland iyo Jubbaland yihiin labada maamul ee khilaafku kala dhexeeyo dowladda federalka Soomaaliya.