Garoonka Gaalkacyo oo Diyaarad Cagadhigan Laheyd Cilad Ku Timid.

0
518
Diyaarad siddey rakaab ay ka qaadday garoonka diyaaraha Muqdisho ee Aadan Cadde oo ku sii jeedday magaalada Gaalkacyo , ayaa dib ugu soo laabatay Muqdisho xilli ay caga-dhigan laheyd garoonka diyaaradaha ee ku yaalla xarunta gobolka Mudug.
“Markii aan galnay hawada Gaalkacyo ayaan ka war helnay diyaaradda inay dib u noqotay.” ayuu yiri mid ka mid ah rakaabkii diyaaradaha la socday oo inta raaciyay ” Shaqaalaha diyaaradda ayaa inoo sheegay inay jirto cilad oo aysan suragal aheyn inay diyaaraddu ka degto Gaalkacyo.”
Lama faahfaahin ciladda ku timid diyaaradda.
Isku-dey kale ayaa lagu doonayay diyaarad kale inay rakaabka geyso Gaalkacyo ayaa iyana suragali waydey, markii duuliyaha diyaarad kale oo la doonayay socdaalka inay dhammeystirto uu sheegay in hawadu aysan wanaagsanayn sidaas darteendna aan lagu safri karin.
“Duulimaadkeeni wuu baaqday sababto ah diyaarad kale oo la doonayay inay na qaado ayaa iyana u baaqatay hawada oo aan wanagsaneyn sida uu duuliyaha sheegay.” ayuu yiri Cismaan Jaamac oo ka mid ah rakaabkii la socday diyaaraddii kasoo noqotay Gaalkacyo.

Hay’adda Duulista Rayidka ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay arrintan.