Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Gelinka hore ee Maanta waxa uu kulan la qaatay xisbiyadda siyaasada ee ay diiwaan-geliyeen GMDQ ee doorashooyinka Qaranka.
Fariin laga baahiyay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Xisbiyada Siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doona subaxnimada hore ee Sabtida,
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo hogaamiye qaar ka midda axzaabta siyaasada Soomaaliya.
Xisbiyadda maanta kasoo muuqday shirkaan ayaa waxaa ka mid ah kuwa siyaasad ahaan taageersan dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Dawlada iyo Xisbiyadda ayaa ka wada hadlay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo qabsoomidda Doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.
Kulankan ayaaney Jirin Cid Baahisay Ama Warbaahin Qaadatey Taasoo Xisbiyo Badan La Yaabanyihiin Sababta Kulankan Qarsoodiga Loo Galiyey,Iyadoo ay Meesha Ka Muuqato In aan Daacad Laga Wada aheyn Wadahadaladii Maanta Dhacey Mar Haddaan Bulshada Soomaaliyeed Lala Wadaagin.










