Xiisado Ka Taagan Magaalada Hargeysa, Iyo Hoggaamiyaal Xabsi Loo Taxaabay.

0
577
Xiisada siyaasadeed ayaa lagasoo sheegayaa gobollada waqooyi galbeed dalka Soomaaliya oo uu ka jiro maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’.
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in kumanaan kun oo askar Boolis iyo Mellleteri ah lagusoo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada.

 

Taliyaha ciidamada booliska maamulka ‘Somaliland’ ayaa amar ku bixiyay in laxiro dhammaan xafiisyada Ururka mucaaradka Wadani islamarkaana la baajiyo mudaaharaadka uu shalay ku baaqay Cabdi Raxmaan Cirro oo ah ninka hoggaamiya mucaaradka.

Xalay fiidkii ayay ciidamada maamulka Muuse Biixi xireen laba mas’uul oo katirsan Ururka Wadani waxaana dadka laxiray kamid ah Barkhad Jamac Batun oo ah Afhayeenka Ururka waxaa sidoo kale laxiray xoghayihii Ururka Mucaaradka Wadani.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay ciidamo hubeysan gaar ahaan kuwa loo yaqaan RRU-da ay xoog ku galeen xafiiska Ururka Wadani ee magaalada Hargeysa, waxaa xiran waddooyinka waaweyn ee hormara xafiiska Ururkan.

 

Khilaafka udhaxeeya siyaasiyiinta maamulka ‘Somaliland’ ayaa cirka iskusii shareerayay maamulkii lasoo dhaafay heer uu Cabdi Raxmaan Cirro uu mudahaaraadyo rabshado wata ugu baaqo taageerayaasha Ururkiisa, lama oga halka ay saldhigan doonaan xiisadahan colaadeed ee ka jira magaalada Hargeysa.