ONLF Oo Dooratay Hoggaan Cusub,Kadib Doorasho Ka Dhacday Godey.

0
584
Ururka ONLF ayaa shalay doortay guddoomiye cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Godey ee gobolka Soomaalida.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo muddo dheer soo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ururka ayaa nqoday Guddoomiyaha cusub ee ONLF, waxaana uu ka guulaystay Axmed Yaasiin.

Doorashada oo ku dhacday si qarsoodi ah ayaa waxaa Cabdiraxmaan Mahdi uu helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin uu ka helay 247 cod.

Cabdiraxmaan Mahdi waxa uu beddelayaa Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo xilkaas ka fariisanaya in ka badan 20 sano kadib.

ONLF ayaa bishan shirweyne uga socday magaalada Godey, waxaana shirweynahaasi lagu ansixiyey istiraatijiyada ururka, iyadoo dhinaca kale lasoo dhaweeyey heshiiskii ururku la galay dawladda federaalka Itoobiya sannadkii hore.