Thursday, August 13, 2026
Home Wararka Al-Shabaab Oo Sheegatay In Ay La Wareegeen Saldhigyo Ay Faarujiyeen Ciidamada Dowladda.

Al-Shabaab Oo Sheegatay In Ay La Wareegeen Saldhigyo Ay Faarujiyeen Ciidamada Dowladda.

0
546

Dagaal yahanada  Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhigyo Ciidamada dowladda ay baneeyeen oo ku yaallo Gobolka Shabellaha dhexe.

Saldhigyada Ciidamada dowladda ay ka baxeen ayaa la sheegay inay kala yihiin Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow.

Deegaanka Qalimow oo 30km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad ayaa ku yaalla bartamaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad,waxaana la sheegay in Ciidamadii ku sugnaa Aaga degaankaasi ay isaga baxeen.

Lama oga sabab rasmi ah oo ku aadan Ciidamada deeganadaasi isaga baxay, balse Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta deeganadaasi.

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegeen ciidamada deeganadaasi baneeyay inay uga baxeen halkaas cabsi ay ka qabaan weeraro kaga yimaada ururka Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa culeys Militari oo xoog leh waxa ay saareen deegaanada Gobolka Shabellaha dhexe oo dhawr mar ay ku dileen masuuliyiin & Ciidan badan.