Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa nin dhalinyaro ahaa waxay ku dileen Isgoyska Ex Zoobe (14-ka October), mana jirto cid dilkaasi u soo qabatay kuwii ka masuulka ahaa.
Dilkan ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ka dhacay Isgoyska 14-ka October, xilli ay ka socotay xuska sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay qaraxii boqolaal qof lagu dilay ee ka dhacay Isgoyskaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay intii uu xuska socday in ay ridayeen rasaas ay amniga ku xaqiijinayeen, balse rasaas ay hoos ugu dhigeen koox dhalinyaro ahayd ayaa sababtay geerida ninkaasi dhalinyarada ah.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Maxamed Xasan (Maska) ayaa isagoo dhaawac ah la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasoo uu dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday.
Xaawo Maxamed Aadan oo ah xaaska marxuumka ayaa waxay xaqiijisay geeridiisa, iyadoona Ciidamada Dowladda ku eedeysay rasaas ay furayn in ay wadnaha ka haleeshay.
Xaawo Maxamed oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegtay in saygeeda oo horey bajaajle u ahaa ay haleeshay rasaasta, xilli uu maraayay Isgoyska 14-ka October.
Xaawo Maxamed ayaa sidoo kale xaqiijisay inaanay jirin cid ka socoto hay’adaha dowladda oo u timid, si ay ugala hadlaan dhibaatada dhacday. Xaawo waxay kaloo sheegtay inaanay maqal cid loo soo qabtay dilka saygeeda.
Xaawo ayaa Dowladda Somaliya ka codsatay in saygeeda Cabdikaafi Maska uu cadaalad helo, maadaama sida ay sheegtay xaqdaro lagu dilay.
Allaha u naxariistee Cabdikaafi ayaa ifka uga tagey shan wiil iyo hal xaas. Wiilasha ayaa kan ugu yar uu afar jir yahay, halka midka ugu weyna uu toban sano jiro.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaar lagu dhaliilaa in ay qayb ka yihiin dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan.





