Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyooni ka furmay shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum)
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay horumarada dowladda sameysay, isagoo ka warbixinaya labadii sano wixii dowladda u qabsoomay, waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana doorashada ay noqon doonto mid dadweyne.
Kulankan ayaa heerkii la filayay aanan uga muuqan madasha, maadaama aysan shirka ka soo qeyb galin Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in shirkan la soo gabagabeeyo iyadoo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed wada jir ah oo ay dhan yihiin dhamaanba dhinacyada ka qeybgalaya.











