Madaxweynaha Puntland oo Qaadacey Shirka Caalamiga ee Muqdisho Maanta Ka Furmay.

0
520

Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan ka qeyb gali doonin shirka heerka caalami ee Watashiga Soomaaliya ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu martiqaaday shirkan ayaa sheegay in uusan ka qeybgali doonin mar haddii sidoo kale uusan ka soo qeybgali doonin madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo aan lagu martiqaadin shirkan.

Ilaa iyo hadda madaxweynayaasha la ogyahay in ay ka qeybgalaan shirka ayaa kala ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo labaduba xirir wanaagsan la leh dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa loo maleynayaa in uu shirka ka qeybgalo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.