Xukuumadda Soomaaliya oo Qiratey In ay Duqeyn Ku Dishey Saraakiil iyo xubno ay ku Sheegtay Al-shabaab.

0
504

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in fiidnimadii xalay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

Duqeyntan ayeey sheegtay dowladdu in laga fuliyay duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle kaddib markii ay ciidamada Xoogga dalka ay ka war heleen in ay  goobtaas isku urursadeen dagaalyahano Al-Shabaab ah oo doonayey in ay  weerarro ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle .

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Dowladda in duqeyntan lagu dilay Saraakiil  iyo Xubno ka  badan 20 oo uu ka mid ahaa hoggaamiye ku xigeenka Jabhadaha Al-Shabaab  Xasan Abshir Jabriil oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Xasan  Jiiroow).

Taliska ayaa intaa ku daray in Xasan  Jiiroow uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu  qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo ka tirsan   gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta duqeynta la sheegay in lagu dilay saraakiisha iyo horjoogayaasha iyaga ka tirsan.