Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan magaalada New York ku dhaxmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka oo uu dhaxdhaxaadinayay madaxweynaha dalka Masar islamarkaana ah guddoomiyaha midowga Africa ee xiligan Cabdifataax Al-Siisi, ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal, taasoo dad badan u fasirteen in dowladda Soomaaliya aqbashay in laga wada -hadalo muranka Badda ee labada dowladood u dhaxeeya.
Balse Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in marnaba kulankaasi leyskula soo qaadin qadiyada ku saabsan Badda dowladda Soomaaliya -na ka cudurdaaratay ka hadalka arinkan ka hor inta uusan kulanku bilaaban.
Dhanka Kale Wasiiradda Arrimaha Debedda Dalka Kenya Monica Juma ayaa Barteeda Twitterka Ku Shaacisay In ay Guul Tahey In arrinka Muranka Badda ay Ku Dhamaatey Sidii ay Kenya Dooneysay oo ah In Wadahadal Midawga Africa Garwadeen ka Yihiin Lagu Dhameeyo Muranka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
”Madaxweye Farmaaajo kulanka ka hor ayuu u sii sheegay madaxweynaha dalka Masar oo kulanka dhaxdhaxaadinayay in aan marnaba laga wada hadli karin qadiyada ku saabsan Badda loona daayo go’aan ka gaaristeeda Maxkamadda ICJ oo ay hadda dacwaddu hortaalo, ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in markii horeba kulankani uu ahaa mid ay Kenya dalabatay oo aan ka iman dhinaca Soomaaliya” Dabcan madaxweynaha Masar ayaa nagu soo war-galiyay in madaxda Kenya ee ku sugan shirka doonayaan in ay nala hadlaan., sidaa ayuuna ku aqblay madaxweyne Farmaajo madaama aysan waxba ku jabneyn in la wada hadlo”
Guddi labada dhinaca ah ayuu sheegay in lagu balamay in la sameeyo, kuwaas oo ka shaqeyn doona deris wanaaga iyo xiriir wanaaga,isla markaana ay ka Sahqeyn doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.













