Magaalada New York oo La Filayo in Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Ka Furmo Goor Dhaw.

0
518

hirka meertada 74aad ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan New York kana mid ah wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in shirkan si gaar ahaan diiradda loogu saari doono ajandayaal waaweyn oo heer caalami ah, hasse ahaatee madaxweynuhu khubad jeedintiisa 26ka bishan uu si gaar ah Golaha Warbixin uga sii doono xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo hormarada kala duwan ee dowladdu sameysay mudaddii ay jirtay.

Dhinaca kale saacadihii la soo dhaafay madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ka tirsan wafuud u timid New York in ay ka qeybgalaan shirka waxaana ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka  wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax  wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxaa ay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku  biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay  Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid  horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo  ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u  dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.