Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay Duulimaadyadii tagayay magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.
Amar ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September oo ku beegan maanta r illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.
Waxaa sidoo kale amarka ka soo baxay hay’adda Duulista Hawadda lagu sheegay in marka ay dhamaato mudada xanibaada saaran tahay la fasixi doono duulimaadyada.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in dowladda si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray, sababo la xiriira in aanay magaaladaas tagin wafuud ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku beegan 25ka bishan.
Maalintii shalay ayay aheyd markii diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Sheekh Shariif , kuna soo jeeday magaalada Kismaayo laga hor-istaagi, kaddib amar ka soo Hey’adda Duulista Hawada, kaasoo ahaa in diyaaradaha ay fasax soo weydiistaan muddo 24 saac ka hor.











