Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay 22kii bishan Sep xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ku bilaawday qarax ismiidaamin ah oo lagu furay afaafka hore ee xerada, waxaana xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka oo la sheegay inuu qaatay saacado badan, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ururka Al-shabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay in ay saacado kooban la wareegeen saldhigga khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacna u geysteen ciidamadii halkaa ku sugnaa.
Goobjoogayaal magacyadooda qariyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen gaadiid dagaal oo Al-shabaab ay kala baxeen saldhigga la weeraray.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanka xaalad kacsanaan ah ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.











