Ciidamo Dhaawaca oo R/wasaare Xasan Cali Khayre ku Booqday Isbitaalki ay Jiifeen.

0
468

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Isbitaalka Xoogga halkaas oo daryeel caafimaad loogu sameeyay ciidamada Dowladda ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Maamulka Isbitaalka ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka dhageystay warbixino ku saabsan hannaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo  qalabka ay adeegsadaan, iyaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin  booqashada uu ugu yimid Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa warbixinta ka  dib kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka kooban-yahay Isbitaalka iyo dhaawac-yada ciidanka la jiifiyay Isbitaalka, waxaana uu balan qaaday in ay heli doonaan adeeg caafmaad oo dhamaystiran sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caafimaad u rajeeyay askarta kusoo dhaawacan-tay dagaalo ay Al-Shabaab kula galeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka  qaarkood.

Xukumada uu hoggaamiyo Xassan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in ay xoogga saarayso dib u dhiska  ciidanka xoogga dalka iyo daryeelkooda caafmaad.