Hogaamiyihii Hore Ee Tunisia Oo Ku Geeriyooday Sacuudiga.

0
541

Zine El Abidine Ben Ali ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay cudurka Kanserka la jiifay isbitaal ku yaal dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku noolaa tan iyo markii uu isaga cararay wadankii uu mudada dheer kasoo talinayey ee Tunisia.

Ben Ali oo ahaa 83 sano jir ayaa Madaxweynihii labaad ee wadanka Tunisia, wuxuuna xilka soo hayey intii u dhaxeysay 1987dii illaa sanadkii 2011, waxaana xukunka looga tuuray kacdoon shacab, isaga iyo qoyskiisa ayaa bishii Janaayo ee 2011 u baxsaday dalka Sacuudiga oo uu illaa iyo hada ku noolaa.

Geerida Ben Ali ayaa kusoo beegmatay maalmo kadib Doorashadii Axadii lasoo dhaafay ka dhacday dalka Tunisia oo ay ka qeyb galeen xisbiyo badan, dalka Tunisia ayaa ahaa wadankii uu ka bilowday kacdoonkii dalalka Carabta.

Inkastoo kacdoonkii Tunisia lagu tilmaamo inuu ahaa kii uu dhiigii ugu yaraa ku daatay xiisadaha ka taagan weli dalalka Carabta ayaa hada waxaa la sheegaa inuusan weli wadankaasi kasoo kaban dhaqaalo burburkii ku dhacay oo ay markii horeba ka gadoodeen shacabka dalkaasi.