Mr Pompeo ayaa beeniyay sheegashada xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran oo ah inay fuliyeen weerarada.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa yiri “eedaynta Iiraan ma joojinayso musiibada” ka jirta Yemen.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in shaqo joojinta Sabtidii ay hakisay wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil maalinkii.
Waxaa aad isha looga hayaa suuqyada markay dib u furmaan maanta oo Isniin ah, iyadoo khubaradu ay filayaan in sare u kac uu ku yimaado qiimaha shidaalka.











