Dabley hubaysan oo Al Shabaab ka tirsan ayaa Degmada Shibis waxa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya qaybtooda dharcadda ku hawlgasha.
Ciidankaan ayaa ku sugnaa waaxda Calasow dheere ee Degmada Shibis, waxaana ay la kulmeen weerar kadis ah oo kaga yimid Bastooladley Shabaab ka tirsan.
Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsan Ciidamada dharcadda Nabad Suggida ayaa halkaasi ku dhintay, waxaa kale oo dhaawac uu soo gaaray haweenay Ciidankaasi ka tirsaneyd.
Shabaab oo ku faanay in Ciidamadooda ay garteen dharcadda Nabad Suggida dowladda ayaa waxa ay sheegteen weerarkaasi inay ku dileen laba xubnood oo NISA ka tirsan.
Waxaa kale ay Shabaab sheegteen inay horay u sii qaateen Bistooladihii labadaasi ruux ay wateen.
Al Shabaab ayaa dabagal ballaaran ku sameeya dharcadda Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir.











