Al-shabaab Oo Weerartay Fariisimo Ay Ciidamada Dawlada Ku Leeyihiin Buulo-Barde.

0
711

Kooxda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidmada dawlada iyo kuwa Amisom ee ku sugan galbeedka degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaan ayaa intii uu socday waxaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Masuuliyiinta Degmada Buulo-Barde ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas oo ka dhacay deegaanka Qansaxle ee galbeedka degmada Buulo Burde. sidoo kale Alshabaab ayaa sheegatay in ay dileen shan askari oo ka tirsan dawlada ka dib dagaal ka dhacay inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buulo Burte.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay al-shabaab weeraro ku qaadaan fariimaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deeganada ay kaga suganyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka iyadoona ay saraakiisha dowlada sheegaan in ay la wareegi doonaan guud ahaan deeganada ay gacanka ku ku hayaaan maleeshiyada al-shabaab.