Qarax Qasaaro Geestay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
530

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah Gaari Noaha ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay ku qarxay afaafka hore ee laga soo galo Magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Ex-Control Afgooye,

Gaariga Qarxay ayaa lagu waramayaa in ay saarnaayeen dabley hubaysan iyo dareewalka iyadoona uu meesha ku qarxay darwalkii waday gaariga oo isagu u muuqday in uu ahaa ruux naftii hure ah hase yeeshee dableydii gaariga ka degtay ay aa isarasaaseyn yar ka dib goobta lagu dilay.

Qaar ka mid ah ciidamada Policeka ee ku sugnaa goobta oo ah mid lagu baaro gawaarida galaysa caasimada ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Ma Jiro ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay dhaqdhaqaaqa al-shabaab oo iyaga looga bartay in ay sheegtaan qaraxyada nuucaani oo kale ah goortii ay dhacaan.