Shacabka ku dhaqan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa si diiran u soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo shalay galinkii danbe gaaray degmada.
Ciidamadan oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Beledweyne ayaa soo maray degmada Matabaan iyo Guriceel, waxaana ay si nabdoon ku yimaadeen Dhuusa-mareeb.
Gawaarida Gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah ee ay Ciidamada Jabuuti ay wateen ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay saldhig ka sameysteen Garoonka diyaaradaha iyo xarumo ku yaalla gudaha Magaalada.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ciidamadan ku soo dhoweeyay afaafka hore ee magaalada.















