Dacwooyinka La Xiriira Dhulalka oo Maamulka K/galbeed Joojiyey Dhamaantood.

0
825

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay joojiyeen qaadista dacwooyinka la xiriira muranka dhulka ee ka dhaxeeya bulshada ku dhaqan deegaannada uu maamulku ka arimiyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed  Cabdi Wahaab Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ay iyadoo la fulinayo Amarkii Madaxweynaha Koonfur  Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed Laftagareen ay hakiyeen dacwadaha la  xiriira dhinaca dhulka ilaa iyo inta laga gaarayo xal waara maadaama ay  soo bateen is-qabqabsiga dhinaca dhulalka ah.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbed ay ka go’an tahay in la helo Garsoor Cadaalad ah,kaas oo si wanaagsan ugu adeega Bulsahda ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Muranka la xiriira dhulka ayaa deegaannada Koonfur Galbeed dhaxdooda ka abuuray dagaalo dhaxmara beelaha waxaana iska horimaadkii ugu danbeeyay ee ka dhashay is qabqabsiga dhulka ku dhintay dad shacab ah oo uu ka mid ahaa Aqoonyahan Cali Marguus oo caan ka ahaa guud ahaan deegannada Koonfur Galbeed.