General Bashiir Goobbe oo Xil Cusub Loo Magacaabey Maalmo uun Kadib Xil ka Qaadistiisii.

0
769

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) u magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Wareegtada magacaabiista ayaa sidoo kale magaca looga beddelay wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed, oo wixii hadda ka dambeeya loogu yeeri doono wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Magacaabiista Sareeyo Guud Bashiir Goobe , ayaa ku soo aadday maalmo kaddib markii xilka taliyaha ciidanka Asluubta laga qaadday.

Hoos ka akhri wareegtada magacaabiista;