Maamulka Puntland Oo U Hambalyaysay Doorashada Axmed Madoobe Ee Jubaland.

0
561

Warsaxafadeed goor-dhawayd kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa loogu hanbalyeeyey madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Maxamed Islaaam Madoobe, Puntland waxay Axmed madoobe ugu baaqday in uu dhameeyo dhamaan khilaafaadka ka jira gudaha jubaland wadahadal lagu dhameeyo.

Puntland waxay si wadajir ah ugu baaqday in Dawlada Federaalka ah iyo Jubaland ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa khilaafaadka ka dhashay doorashadii ka dhacday Jubaland.

Kismaayo ayaa saaka waxaa ka dhacay laba doorasho oo midkood uu kusoo baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mid kale oo ay qabteen golaha sheegtay badbaadada jubaland oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Dawlada Dhexe, Maamul goboleedyada iyo beesha caalamka ayaan weli ka hadlin doorashada maanta ka dhacday jubaland, walaw horay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay mawqifkeeda u cadaysay.