Jubbaland Oo Maalin Qura Ka Kala Dhacday Laba Doorasho Labo Madaxweynena Yeelatay

0
552

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Jubaland ka dib doorasho ka dhacday Magaalada kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay codad dhan 56 cod wareegii koowaad ee doorashada.

Sidoo kale Canab Maxamed oo ka mid ahayd musharaxiinta u tartamay doorashadaan ayaa iyadu heshay 17 cod, 74 xubnood oo ka tirsan baarlamaaanka Jubaland ayaa ka codaynta doorashadaan qayb ka ahaa.

Doorashadaan ayaa ahayd mid aad laysugu khilaafsan yahay, beesha caalamka ayaa horay iyadu walaac wayn uga muujisay hadii ay sidaan wax ku socdaan, sidoo kale dawlada federaalka ah ayaa iyadu horay u qaadacday, Axmed Madoobe ayaa 7 sano soo hogaaminayay Jubaland, waana markii labaad oo la doorto.

Magaalada Kismaayo garabka kale ee Jubaland oo la baxay xildhibaanada isbedel doonka ah ayaa madaxweyne u doortay Cabdirishiid Xidig oo ka mid ah musharaxiinta la baxay garabka badbaadada jubaland, doorashadaan ayaan la shaacin cid la tartantay Xidig iyo natiijada uu ku guuleystayba.

Gudigga qabtay doorashadaan ayaan la ictiraafsanayn, waxaana natiijadeeda ay ka hor dhacday mida kale ee iyaduna kismaayo ka socota, Xidig ayaa xubin ka ah baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna ka mid ahaa dadka aadka uga soo horjeestay siyaasada madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu horay u cadaysay mawqifkeeda la xiriira arimaha jubaland, laba war-saxaafadeed oo ay soo saartay waxay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin doorasho kasta oo sharciga baal-marsan.

Waxaa is waydiin mudan goaanka ay beesha caalamka ka qaadan doonto arinkaan iyo sida ay dawlada federaalka u wajahi doonto labadaan doorasho ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubaland iyo dawrka dawlada xubnaha ka ah dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.