Natiijada Imtixaanka Fasalada 12’aad oo Ardeyda Dawlad Deegaanka Soomaalidu Ku Qanci Waayeen.

0
806

Iyadoo maalinimadii shalay la shaaciyay natiijada Imtixaanka fasalka 12aad ee dalka Itoobiya, ayaa ardaydii degaanka Soomaalidu ee fasalka 12aad Imtixaanka gashay ayaa ku qanci-waayay natiijadii Imtixaanka iyadoo intooda badani ay dhibco hoose keeneen.

Haddaba ardaydan oo qaarkood aan la xidhiidhnay ayaa Noo  sheegay in haba yaraatee aysan ku qanacsanayn natiijadii la shaaciyay, isagoo arday walba uu natiijadiisa ka helay bogga Internetka
Ardaydan ayaa qaar kamid ah qaba in tayadii waxbarashadu ay ahayd mid hoosaysay, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in iyagu aysan dadaal badan la imaanin.
Madaxwaynaha DDS  Mustafe Cagjar ayaa horey u sheegay in qishkii la joojiyay, isla  markaana arday walba uu dadaalkiisa helayo, waxaa kale oo uu sheegay in  arday badan oo qish ku gudubta ay dhaanto arday yar oo dadaalkooda ku  gudubta.