Magaalada Beledweyne oo Si Weyn Loogu Soo Baxey Tukashada Salaadda Ciidda.

0
558

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dadweyne isaga kala yimid xaafaddo kala duwan ayaa maanta si wada jir ah meel-fagaaro ah ugu Oogay Salaada Ciidda-Carrafo.

Dadka ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin munaasabadda Ciidda oo maanta looga dabaal-dagayo guud ahaanba dunida Muslimka, iyaga oo isku marxabeynayay erayo ay ku weyney-nayaan maalintan faraxadeed.

Caruurta ayaa maanta oo kale siweyn u muujiya farxad iyo reyn-reyn, waxaana la arkayaa iyaga oo hadba dhinac u gooshaya xaafaddaha magaalada ka kooban tahay, qeybna ka qaanaya fantisyaha lagu maamuusayo maalinta ciida.