Muslimiinta Caalamka oo Maanta Laga Dareemay Dunida Tukashada Salaada Ciidul Adxaa.

0
515

Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal-degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul-Adxaa oo maanta ku beegan.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carrafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalinta Koowaad ee Ciidul-Adxaa Caalamkana Laga Wada Dareemay Shacaa’irta Islaamka,Tirada iyo Tayada Muslimiinta Kadib Markii Dunida oo Dhan Laga Wada Oogay Tukashada Salaada Ciidda,iyadoo Muslimiintu Dhar Qurux Badan Soo Wada Xidheen.

Gaar ahaan dalka Soomaaliya dadka ayaa isugu uruuray fagaraayaasha iyo Masaajidda waaweyn si ay ugu Ogaan Labada Rakcadood ee Salaada Ciidda.

Dadka ayaa isugu hambalyeeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carrafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.