Qaraxaani ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Yaaqshiid gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaafadda Jiira garoob & Xaafad lagu magacaabo Shakti Ee Degmadaasi.
Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa uu ahaa Surf waxaana watay nin dhalinyaro ah oo dhaawac ka soo gaaray Qaraxaasi.
Ciidamada Booliska oo gaaray goobta uu ku qarxay gaariga ayaa halkaasi ka qaaday dhaawaca ruuxii gaariga watay iyadoo uu socdo baaritaanka la xiriira Qaraxa dhacay.
Lama garanaayo ruuxaani gaariga loogu xiray Qaraxa waxa uu ahaay & meesha uu ka shaqeynaayay.
Al Shabaab ayaa gaadiidka dowladda & Shaqsiyaadka ay wataan waxa ay ku xiraan waxyaabaha Qarxa oo dadka ay ku dhibaateeyaan.











