Monday, May 4, 2026
Home Wararka Maleeshiyaad Iyo Gaadiid Dagaal Oo Lagu Wareejiyay Dowlada Federalka.

Maleeshiyaad Iyo Gaadiid Dagaal Oo Lagu Wareejiyay Dowlada Federalka.

0
591

Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo maleeshiyo beeleed degmada Balanballe oo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Munaasabada wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Iyo Taliyaasha Ciidamada Qaranka

Maleeshiyaadka ayaa ku biiraya ciidamada dowlada federalka iyadoo la diiwaangelin doono sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Maleeshiyaadka lagu wareejiayay dowlada Federalka ayaa gacanta ku haya hubkii ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya iyadoo magaalada Balanballe ay ka mid ahayd magaalooyin ka dhacay dagaaladii lala galay dowlada Itoobiya.