Aqoonsi Raadinta Somaliland Ma Wuxuu Ka Riday Guinea Oo Ay Dadkeeda Fuqaro Yihiin?(WAR-BIXIN)

0
348

Madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jamhuuriyadda Guinea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni iisu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea, halkaas oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.

Balse arrintaasi ayaa dhalisay muran hor leh oo ka dhex-dilaacay Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Guinea.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la weydiiyay in dowladdiisa ay horey xiriir ula lahayd Guinea ayaa sheegay in labada dal aysan horey u lahayn matalaad diblumaasiyadeed.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir Faratoon, ayaa sheegay inay halkaas u tageen inay sii wadaan xiriirkooda ay la leeyihiin dalalka dunida.

Haddaba Guinea waa dal caynkee ah?

Macdanta laga helo Guinea ayaa ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ay tahay inay ugu qanisanaadaan qaaradda Afrika, balse dadkeeda ayaa ka mid kuwa ugu faqiirsan galbeedka Afrika.

Waxaa dib u dhigay hanti-wadaag muddo dheer lagu dhaqayay, iyo labo sano oo ay militeri ka talinayeen. Balse haatan, inkasta oo sanadkii 2010-kii ay dowlad rayid ah meesha qabsatay, waxay dalka u horseedday iska horimaad hubeysan.

Waxaa intaa u sii dheer, in boqollaal kun oo qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Liberia iyo Sierra Leone ay halkaasi ku nool yihiin, oo ay culays dheeri ah ku keeneen dhaqaalaha dalkaasi.

Somalia iyo Guinea horey xiriir ma u lahaayeen

Soomaaliya iyo Guinea ma lahayn wax xiriir diblumaasiyadeed ah, horeyna uma jirin wax dano ah oo soo kala dhex-galay labada dal, balse waxay labaduba xubin ka wada yihiin Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.Madaxweynaha Guinea, Alpha Konde, ayaa dalkaasi ka taliyo tan iyo sanadkii 2010-kaAlpha Conde ayaa madaxweyne dalkaasi ka noqday sanadkii 2010-ka, kaddib muddooyin ay dalkaasi isu daba-marayeen kali-taliyayaal iyo militeri.

Madaxweynaha ayaa wajahaya eedeymo la xiriiro qabyaalad iyo in uu takooray dadka taageero mucaaradka.

Soo dhaweynta Guinea maxay uga dhigan tahay Somaliland?

Sida weyn ee loo soo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inay astaan u tahay in ictiraaf-raadinta Somaliland uu dar-dar hor leh galay.

Balse Ciid Baddel Maxamad, oo horey diblumaasi sare u soo ahaa, ayaa sheegay in mir-dhalka ay ku xiran tahay siday Somaliland uga faa’ideysato arrintan.

Booqashada ayuu Ciid sheegay in lagu tilmaami karo inay dhabar-jab ku tahay diblumaasiyadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya, isla markaana ay guul u tahay doodda Somaliland ee aqoonsi raadinta.

Hasa yeeshee, Ciid Baddel waxaa uu sheegay inaan la oran karin in Guinea ay furo u noqon karto in Somaliland ay aqoonsi ka hesho galbeedka Afrika, maadaamma ay jiraan dalal ka waaweyn, oo taariikh ahaan xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, sida dalka Nigeria.