Tiro Madaafiic Todobo ah Ayaa Maanta Lagu Weerarey Xarunta UN Compound ee Xalane Kuwaas oo Gaystey Dhimashada ugu Yaraan Labo Ruux oo Shaqaalaha Qaramada Midoobey Kamid ahaa Sida uu Sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Nicholas Haysom,Iyagoo Qal-Qal iyo Deganaansho La’aan Ku Abuurey Tuulada Xalane ee ay Ajaaniibtu Dagenyihiin.
Warbixin uu Soo Saarey Haysom ayuu Ku Sheegey In Labo Ruux Uga Dhinteen Halka sadex Kalena Ku Dhaawacmeen,Isagoo Intaasi Ku Darey in Hadii waxyaabahani ay Sii Socdaan ay Soomaaliya Wayn karto Taakuleyn badan oo Xagga Bini’aadanimada iyo Saacidaad ay Soomaaliya Hesho.
Hay’adaha Gargaarka iyo Qaramada Midoobey Shaqaalaheedu Waxey Halkan u Joogaan In ay Soomaaliya Caawiyaan ee Hala Joojiyo Rabshadaha Ayuu Ku Calaacaley Nicholas Haysom Wakiilka Xoghayaha Guud U Qaabilsan Soomaaliya,Iyadoo Madaafiicdan ay Sheegteen Xarakada Al-shabaab,Mana aha Markii ugu Horeysey ee Madaafiic iyo Qaraxyo Lala Beegsado Tuulada Xalane iyo Agagaarkeeda.











