Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay feejignaan dheeri ah ay geliyeen ciidamada AmaankaWaqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.
Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.
Sarkaalka u hadlay Booliska Mandera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in ay doonayaan in ay xakameeyaan weerarrada uga yimaada Al-shabaab ee gobolka Waqooyi Bari.
“Ciidamo badan ayaan geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”ayuu yiri Mr Daniel Bundotich.
Dagaalyahanno looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Talaadadii la soo dhaafay dilay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya oo ku roondeynayay Waddada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandera.
Ciidamada loo diyaariyay ka hortaga Weerarrada Al-Shabaab ayeey Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya sheegeen in ay aad u hubeysan yihiin, kuwaas oo u dhameystiran qalabkooda Ciidan.
Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo afjari lahayd xoogagga Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya, waxaana ciidamada difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan degaanadaasi.
warsom2011@gmail.com









