Suuqii Ganacsiga Tog wajaale oo Xaley Gubtey/Yaa ka Danbeeyey Gubashada Suuqa?.

0
584

Magaalada ganacsiga Tog-wajaale ayaa suuqeeddii weynaa xalay xilli dambe gubtay, waxaana la sheegaya in khasaare badan uu sababay.

Magaalada Wajaale ayaa ah magaalo xudeed ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, waana suuq weyn oo ay ka adeegtaan shacabka reer Itoobiya.

Inkasto wali la qiimeyn khasaaruhu inta uu leeg yahay, haseyeeshee waxa la sheegayaa in khasaaruhu dhan yahay illaa shan milyan oo doolar inuu yahay.

Dab-damiska Hargeysa iyo Jig-jiga  ayaa usoo gurmaday, waxaana qayb weyn ka qaatay shacabka reer Wajaale oo Booyado badan iyaguna ku bakhtiinayey.

warsom2011@gmail.com