Cabdi Maxamed Rodol Duuliye Sare oo loo Magacaabey Hay’adda Duulista Hawada Somaliland.

0
585
 Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu magacaabay Duuliye Sare (Capt) Cabdi Maxamed Rodol maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Somaliland.

Duuliye Sare Cabdi Rodol ayaa wuxuu ka mid ahaa duuliyayaashii sharikaddii Somali Airlines, wuxuuna ahaa madaxa duuliyayaasha (Chief Pilot) Somali Airlines. Duuliye Rodol ayaa burburkii dowladdii dhexe ka dib, ka howl-galay sharikadda Saudi Airlines, isaga Captan ka ahaa dayuuradda Boeing 777.

Capt. Rodol ayaa waxbarashadiisii duulimaadka ku soo qaatay dugsiga tababarka duulimaadka ee Lufthansa ee dalkii la oran jiray Jarmalka Galbeed, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii sharakaddii Somali Airlines oo shaqadeedii joojisay bilowgii 1991

warsom2011@gmail.com