Madaxwayanahii Hore ee Maamulkii Xibin Xeeb Maxamed Cabdulaaahi Aadan Tiicey oo mudo Afar Sano iyo dhawr bilood ku xirnaa dalka Biljim ayaa Isbuucaan dib u helay Xoriyadiisii,
Waxuuna fiidnimadii xalay oo Jimce aheed uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Minneapolis oo Madaxwaynahu daganaa Labaatan sano ,isagoo uga baxay Jaamacaada Gobolka Minnesota.
Maxamaed Tiiceey ayaa dowladda biljimku ku eedaysay ku lug lahaansho burcad badeednimo,isagoo markii danbena sheegay in wax danbi ah lagu waayay.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Minneapolis St paul ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan Xubanaha Jaaliyadda Minnesota waxayna dhamaantood aad ugu faraxsanaayeen in Maxamaed Cabdulahi Tiicey uu ku soo noqday Gurigiisa Minnesota.
Maxamed Cabdulaahi Tiicey oo la hadlay dadwaynahii soo dhaweentiisa ka soo qaybgalay ayaa u mahadceliyey soo dhaweenta , kama uusan hadal wax aan mahadcelin aheen isagoo sheegay in goor kale uu ka hadli doono Arimahii uu la kulmay.
Maxamaed Abdulahi Tiicey waxuu xalay dib ula midoobay qoyskiisa oo ka kooban 5 wiil iyo gabar iyo hooyadood taasoo qoyska xalay farxad wayn u aheed
warsom2011@gmail.com