Allaha U Naxariistee Geeridii Maxamed Abshir Muuse oo Dawlaadda Soomaaliya Ka Hadashey.

0
533

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse ayuu sheegay ra’iisal wasaare ku-xigeenku in uu ahaa wadani qeyb weyn ka soo qaatay sida uu hadalka u dhigay xoriyada aynu maanta harsaneyno, xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladdihii dalka isaga danbeeyay.

“Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaciisa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraalka.

warsom2011@gmail.com