Cali Cabdullaahi Cosoblle oo Maanta Beledweyne Gaarey iyadoo lagu wado in dhawaan m/weneJowhar lagu Doorto.

0
516

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday dowladda Federaalkana ay ku raacday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida ilo wareedyo ay u sheegeen WARBAAHINTA

Cali Cabdullahi Cosoble, oo ay la socdaan xubno isaga taabacsan ayaa Beledweyne lagu wadaa in ay kula kulmaan siyaasiyiin iyo waxgaradka reer Hiiraan.

Ilaa iyo hadda si weyn uma shaacsana qorsha-howleedkiisa, balse wararka ayaa sheegaya in uu raadinayo taageero maadaama uu ku adkeysanayo in uu wali madaxweyne sharci ah uu yahay.

Baarlamaanka ayaa dhawaan xilka ka qaaday Madaxweynaha,  waxaana Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka siyaasadeed mowqif cad, iyadoo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Baarmakaanka maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan isku diyaarinaya sidii ay usoo dooran lahaayeen Madaxweynaha cusub.

warsom2011@gmail.com